Home » Nolosha Jilaayaasha » Waa Tuma Prachi Desai (Bani ama OTA) Wax Ka Ogow Xidigtaan Wax Ka Ogow (Codsi Aqriste)

Waa Tuma Prachi Desai (Bani ama OTA) Wax Ka Ogow Xidigtaan Wax Ka Ogow (Codsi Aqriste)

Prachi Desai waa atariisho inta badan caan ku ah kashaqeynta Tvyada ayadoo sameysa Showyo kala duwan iyo musalsalo.

inta badan xidigtaan waxaa loogu yeera Bani ama OTA(One-Take-Artiste) oo ay caan kutahay, waxay dhalatay 12 Sept 1988.

waa atariisho qaab iliin Fantastic leh marka la joogo Musalsalada, inkastoo oo ay wax kajishay aflaam Bollywood ah hadana waxay caan kutahay sameynta musalsalada.

Prachi waxay kadhalatay reer aaminsan diinta hinduga waxaana la dhalatay hal gabar oo ayadana lagu magacaabo Esha Desai.

Prachi waxay wax kasoo baratay College Puna kuyaalo ayadoo sidata P.A, waxayna fanka soogashay sanadkii 2006.

Desai 2006 ayee bilawday inee kashaqo bilawdo Tvyada waxayna hogaamiye kanoqotay musalsalkii weynaa ee Kasamh Se kaaso ay xidigtaan caan ku noqotay halmarna magaceeda cirka galay.

Kasamh Se wuxuu noqday musalsal taxano ah oo ilaa iyo 2008 socday, wuxuu noqday musalsal hirgalay oo daawadayasha aad u qanciyay.

Prachi waxay noqotay xidig laga dabo dhaco, sidaa awged waxay bilawday inee bal ka war doonto Bollywoodka waxayna wax kajishay filimka Rock On kaaso la daawaday sanadkii 2008.

kadib waxaa u xigeen aflaamta caanka ahoo ay kamid yihiin Policegirl, Life Partner, Bol Bachchan iyo aflaam kale.

balse xidigtaan sidee heer oga gaaraty musalsalada ogama gaarin Bollywoodka iyo aflaamtoda sida awged waxay dib ugu laabatay musalsaladeeda oo ay caan ku8 aheyd.

Prachi waxay taagero dhab ah u tahay Bollywoodka xidigaha katirsan sida Arjun Rampal, Shahid Kapoor iyo waliba Kangana Raut.

waxaa kaloo jiraan aflaam ay aad ujeceshahay daawashadooda oo ayna marnaba ka dhargeenin kuwaaso kala ah, Dil Chahata Hai, Jab We Met, Jo Jeeta Woh Sikandar, Dil Hai Ke Manta Nahin, Kapoor & Sons iyo waliba Queen.

xidigtaan waxaa lashegay in markaani ay goaansatay inee isla wado shaqada Tvyada iyo waliba aflaamta Bollywoodka sameentooda.

Waxaa xusid mudan in Prachi aysan wali guursanin sidaa awged wali waa doob jirtana 28, qofkastana uu guursan karo xitaa aqriste adiga.