Waa tuma quruxleyda ku guuleysatay qalbiga jilaaga caanka ah ee Engin Akyurek?? sawiro.

0
163

Engine Akyurek wuxuu kamid yahay jilayaasha ugu magaca weyn turkida wuxuuna caan ku yahay jilista taxanayaasha asigoona horay nooga yaabsaday taxanayaal ay kamid yihiin Fatma iyo Kara Para Ask.

Hadaba jilaagaan mudadii uu fanka ku jiray wuxuu xiriir jaceyl la wadaagay gabdho badan oo ay kamid yihiin Cansu Dere, Tuvana Turkey iyo Cansu Taskin wuxuuna gabdhahaan la socday mudadii u dhaxeysay 2011diii ilaa 2018dii iyadoo Cansu Dere aheyd gabadhii ugu dambeysay ay kala hareyn.

Hadaba jilaagaan oo inta badan noloshiisa khaaska ah saxaafada ka qariyo ayaa haatan lagu soo waramayaa inuu xiriir hoose kala dhaxeeyo misna qalbiga ka xaday gabadha dharka naqshadeyso ee Nevbahar Doyuran la yiraahdo iyagoona mudooyinkii ugu dambeeyay si qarsoodi u wada socday.

Engine ayaa Nevbahar kula kulmo meelo qarsoodi ah si aysan saxaafada sawiro uga qaadanin waxaana arintaan warbaahinta la wadaagay shakhsi aad ugu dhaw Engin kaasoo diiday in magaciisa banaanka soo dhigo.

Halkaan hoose ka daawo sawirada Nevbahar;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here