Waxaa 2-saac kahor lasoo bandhigay goos gooska xalqada 32-aad ee taxanaha Hercai waana goos goos inaba aam caadi aheyn dhacdooyin xiiso lehna lagu arkay hadaba hoos kaga bogo dhacdooyinka:

Goos gooska ayaa ku bilaawanaayo Gonul oo la hadleyso ayeeyded Caziiza waxayna leedahay,”ayeeyo aniga ciyaartaada masoo galaayo kumana soo fara gashanaayo wax walbo aad sameyneyso balse waxaad iisheegtaa walaalkey waa kuma.”?

Caziiza ayaa ku jawaabeyso,”walaalkaada waa Furat” kadib Gonul wajigeeda farxad iyo naxdin isku jirta ayaa ka muuqaneyso halkaasna waxaa lagu ogaaday in Furat iyo Gonul walaalo yihiin muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa reer Aslanbey iyo reer Sodolugu oo wada fadhiyaan misane Furat hadlaayo isagoo leh,”waxaa jirto dacwad laga soo gudbiyay Caziza Aslanbey waxaana kasoo gudbiyay Azaad Sodologu.”

Kadib Nasuh ayaa caronaayo isagoo leh,”bas codeynta halkaas ayee ku dhamaatay” balse Caziiza ayaa u jawaabeyso iyadoo leh,”hada kadibna ma dhamaan doonto codeyntta” muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Harun oo ayeeydiis talefan kula hadlaayo mana la yaqaano ayeeydan cusub qofke tahay (balse waa cadowga seddexasd ee qarsoon) waxuu leeyahay Harun,”Miiraan iyo Reyyan xurgufta dhextaalo masii dheeraan doonto (oo wey heshiinayaan maadama dad is jecel yihiin) balse ayeeyo waxba haka cabsan iyagana (Miiraan iyo Reyyan) wey ku xigaan.”

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Reyyan oo Hazar Sodoglu la hadleysa misane leh,”aabo Caziiza Aslanbey waa qof xun oo qiyaano badan sikasto isugi dayno inaan joojino ma ahan qof la celin karo” Hazar ayaa Miiraan talefanka ka wacaayo asigo leh xaaskaada Reyyan xaalkeeda ma fiicno ee kaalay halkaan ka wado.

Muuqaalka ugu dambeya waxaa lagu tusaa Azaad oo qeylinaayo misane la hadlaayo Caziiza isagoo kuleh,”aaway Elif halkee ku qarisay” Miiraan iyo dhamaan labada qoys meesha ayee joogaan kadib Caziiza oo Miiraan iyo Azaad fiirineysa ayaa dhaheyso,”Elif iyadoo raali ah ayee isoo raacday gurigeeda reer aslanbey ah ayeena joogtaa.”

Kadib Azaad ayaa biskoolad lasoo baxaayo isagoo xabad kor u ridaayo waxuuna leeyahay “waa beentaada waxaad sheegeyso” si lama filaan ah Elif oo qeylineyso ayee gadaashooda ka maqlayaan mise kaaga daran waaba Elif oo guriga korkiisa saaran waliba meel dabaq ah darbiga ayeena soo fuushay ine isaso tuurto ayeena rabtaa dhamaan qof walba oo dhulka joogay iyagoo wada naxsan ayee Elif kor u fiirinayaan.

Dhamaad goos gooska halkaas ayuu ku dhamaana inaba caadi ma ahan Miiraan, Reyyan, Azaad, Caziiza, Furat dhamaan Elif ayaa la fiirinayaa iyagoo naxsan halka Elif ine isdisho ay rabto weyna isasoo tuuri rabtaa waa inoo xalqada 32-aad iyo waxa dhici doona oo lawada sugi la’yahay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here