Waa Xiligii Nashada Aamir Khan Oo Magaalka Mumbai Ku Nasanaya (+Sawiro)

Mr.Prefectionist Aamir Khan ayaa mudo dheer kadib maanta sawir qaadayaasha ay kulmeen sawirona kasoo qaateen maadama inta badan jilaagan mashquulkisa badanyahay muuqiisana la arkeynin.

Aamir ayaa shaqada ka nasanaayo maadama bari axad tahay waxaa la arkay isagoo magaalka Mumbai dhex mushaaxaya labis aan soo jiidasho laheena xiran ileen waa Aamir lala mayaabayo.

Aamir Khan waa jilaa aan inta badan xaragada daneenin shaqadiisana dirada saaro saxaafada qaar ayaa xitaa ku eedeyaan labiskiisa iyo kabaha uu fagaaraha la imaado inta badana.

Jilaagan ayaa nasiino isaga jiro waxayna sawir qaadayaasha kula kulmeen galabtaan meel kamid ah Mumbai oo uu booqasho utagay dhoola cadeyn ayuuna kusoo dhaweyay sawir qaadayasha.

Dhanka shaqada waxuu sanadkaan la imaan doona filmkiisa weyn ee Thugs of Hindostan kaaso la daawan doono 7 November sanadkaan 2018 waana mashruuc si weyn loo wada sugaayo.

Waxaa filmkaan la jilayaan Amitabh Bachchan, Fatima Sana Sheikh iyo waliba Katrina Kaif waana film dagaal ah oo ay iska leedahay shirkada Yash Raj Films Diwali-ga sanadkaana la daawan doono, fadlan halkaan hoose ka daawo Khan iyo sawirada laga soo qabtay..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*