Shah Rukh Khan ayaa waxa uu dhexda ka galay waqti mugdi ah kaaso xitaa qofma uusan rumaysan karin ka dib fashilkii xooganaa ee ku yimid filimkiisa Zero wana dhacdo dhibaato ku noqatay aktarkan

waxaana aktarkan uu bilaabay shaki fara badan markii loosoo bandhigo mashruucyo cusub isagoo dhawaan iska diiday samaynta aflaamo waa weyn oo looso bandhigay sida filimka Saare Jahan Se Acchcha kaaso uu isaga baxay

hadda Shah Rukh Khan ayaa waxa uu ku wareersan yahay inuu kala doorto ama uu go’aansado samaynta filimkiisa xiga isagoo ka cabsanaayo inuu halis geliyo waayihiisa aktarnimo

laakiin Gauri Khan oo ah marwada aktarka Shah Rukh khan ayaa dhawaan waxa ay wareysi siisay wargeyska Zoom iyadoona ka hadashay waxyaabo badan oo ku saabsan ninkeeda Shah Rukh Khan

Gauri ayaa waxaa wax la weydiiyay su’aal ka dhex guusay maskaxda taageerayaasha aktarka Shah Rukh Khan kuwaaso doonaya inay ogaadaana goorka aktarka ay taageeraan uu kusoo noqonayo filim jilista

laakiin Gauri ayaa niyada ka dishay boqolaalka milyan ee taageerto ninkeeda Shah Rukh Khan ka dib markii ay shaacisay Shah Rukh Khan inuu fanka ka maqnaan doono muddo badan

Gauri ayaa tiri ” waa arrin ku fakiriyay muddo badan isaga ( Shah Rukh Khan) waa mid daalan maadaama 25 sano ugu dambeeyay uu ahaa shaqsi filim jilista ku dhex jira laakiin hadda waxaa la jooha xiliga uu ka nasan lahaa mashquulkaas faraha badan waxaana ku faraxsanay inan isaga waqtiga la qaadao lana safarno meel walba waxaana midaas u baahan aniga iyo caruurtiisa gaar ahaan wiilkiisa yaraanka Abram”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here