Waad yaabi doontaa hadii aad maqasho sababta atariishadaan jidka bartankiisa u fariisatay.

0
3905

Atariishada reer Turkey misna lagu magacaabo Nesrin Cavaz Zade ayaa arin layaab leh ku dhaqaaqday kadib go’aankii kasoo baxay dowlada wadankeeda Turkey kaasoo socodka wadooyinka looga mamnuucay dadka kayar da’da 20ka sano.

Dowlada Turkey ayaa mamnuucday in dibada uga soo baxaan guryaha dadka da’dooda kayartahay 20ka sano kadib markii uu wadankaas kamid noqday wadamada uu sida xoogan ugu fiday caabuqa Corona Virus

Nesrin Cavaz oo 38 jir ah ayaa inta wadada bartankeeda fariisatay sawir iska soo qaaday waxayna soo dhigtay barteeda Instagramka ayadoona kusoo qortay; “waxaa la mamnuucay in dadka kayar 20ka sano guryaha kasoo baxaan sidaas darteed ayaan markii ugu dambeysay usoo baxay” ayadoona taageerayaasheeda si madadaalo ula wadaagtay maadaama ayadoo 38 jir ah iski dartay liiska 20 jirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here