Dalka Hindiya waali caadi ah ayaa ka socoto kiisaska is-dilka ayaana sii marayaan 7-kiis oo dhamaantood uu sabab u yahay jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput hader waxaa lasoo sheegayaa inee gabar horleh isku dishay jilaagan jaceyl ay uqabtay aawged.

Arinkaan ayaa naxdin weyn ku noqotay dowlada Hindiya waxaana la sheegay talaabo deg deg inee qaadeyso sidee kaga hortagi laheed dhacdooyinka foosha xun ee mudo hal todobaad socdaan gabadha ayaa la sheegay inee ahed macalimad iskuul sido kalena 21-jir ah walina aan la guursanin noloshana rajo weyn iyo mustaqbal fog kalaheed.

Gabadha taageere weyn ayee u ahed Sushant waxay si joogta ah telefishinka oga daawaneysay wararka geeridiisa midaas ayaana murugadeeda sii siyaadisay sida waalidked Police-ka u sheegeen gabadhaan ayaana xamili weysay geerida Sushant murugada ay reebtay.

Xili qoyskeeda guriga wada joogaan ayee qolkeeda jiifka ah u deg degtay ayadoo iska dhigtay qof tell-ka laga soo wacay kadibna marwaaxada qolkeeda ayee xarig kuxirtay weyna is dal-dashay waxyar kadib hadii qolkeeda lasoo galay iyadoo xariga ka raa-raacdo ayaa la arkag meeydna ah.

Dadka muslimiinta ah ee dalka India udhashteen aaya doqonimo iyo danbi weyn ku tilmaameen is-dilka dhalinyarada iyo caruurta wadaan maalmahan waliba gabdhaha haderna waalid badan ayaa ka taxadarayaan gabdhahooda waxaa la sheegay aabo gabadhiisa is dili rabtay inuu garaacay meelna ku xir xiray intaa is dili laheed anaa maalinba kis kis kuu dilaayo ayuu dhahay ciil ka batay odayga aawgiis gabdhihii hindiya ayaa aad loola yaabanyahay falalka xun xun ee ay ku kacayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here