Varun Dhawan ayaa raali galin ka bixiyay sawir Selfie ah oo uu bartamaha Mumbia qof taageero ah kula galay xili uu gaarigiisa qoorta kasoo dhiibtay.

Sida hay’ada caalamiga ah ee shilalka wadooyinka diiwan galiso xarunteedana magaalada Geneva tahay ku sheegtay 2016 in Hindiya ay tahay dalalka dhimashada ugu badan shilalka wadooyinka sababaan, hadana walaacaas wuu sii xoogeestay.

Booliska magaalada Mumbai ayaa eed dusha kaga tuureen atooraha dhalinta yar ee caanka ah Varun Dhawan kuna tilmaameem qof masuuliad aan qaadi karin!

Varun Dhawan oo gaarigiisa gaarka ah wato ayaa bartanka ka galay cariiriga wadada bartamaha Mumbai wuxuuna sugaayay in samaafaraha gaadiidka fasaxo inta uu taagnaa wadada waxaa soo dhinac istaagtay mooto bajaaj ama tug tug qof saaran oo taageero u ah ayaa ka codsaday inuu sawir la galo.

Varun Dhawan ma uusan xisaabtamin waxaana qaaday dhalinyaranimo wuxuuna sameeyay inuu gaarigiisa qoorta kasoo taagtay kadibna uu sawir Selfie ah la galay gabadhii taageeraha u ahayd ee sawirka ka codsatay ayadoo wadada isku xiran tahay.

Inkastoo gabadhii taageeraha ahayd aad u faraxday hadana booliska Mumbai waxay ku tilmaameen falkaas mid nacasnimo ah madaama Varun yahay qof caan ah berito dhalinyaro badan ku dayan doonaan nafsadoodana halis galin karaan wadada dhexdeeda hadii shil baabuur meesha ka dhaco.

Varun Dhawan sidoo kale booliska Mumbai waxay u sheegeen in lacag ganaax ah laga qaadi doono sidoo kalena mustaqbalka shatiga gaariga wadista laga qaadi doono hadii uu markale ficilkaas sameeyo.

Varun Dhawan ayaa si dhaqsi ah raali galin u bixiyay wuxuuna yiri “Raali galin buuxdo ayaan bixinayaa, gaarigeena ma uusan ahayn mid socday madaama samaafaraha aan wada sugeenay, ma doonayo inaan qof dhaawaco ama ficil xun la iiga daydo, maskaxda ayaan ku heyn doonaa mudnaan siinta bad baadada wadooyinka, mana dhiiri galin doono ficil noocaas oo kale ah in mar labaad la sameeyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here