Home » Arimaha Bulshada » Waalidiinta ugu yar taariikhda Britain oo ay gabar u dhalatay, balse iyagu imisa sanno ayey jiraan?

Waalidiinta ugu yar taariikhda Britain oo ay gabar u dhalatay, balse iyagu imisa sanno ayey jiraan?

Gabar 12 sanno jir ah iyo wiil 13 sanno jir ah ayaa noqday waalidiintii ugu yaraa Britain, ka dib markii ay u dhalatay gabar culeyskeedu yahay 7LB oo u dhiganta 3.17KG.

Gabadhaan ayaa waxay uurkaan qaaday iyadoo 11 sanno jir ah, ka dib markii ay xiriir la yeelatay wiilkaan oo 12 sanno jir ahaa waqtigaas, waxayna labadoodu ku nool yihiin caasimadda London.

Labadoodu waxay noqdeen waalidiinta ugu yar Britain taariikh ahaan. Shaqsi aqoon u leh labadooda ayaana daaha ka qaaday inay dhallinyaradaani jaceyl xad dhaaf ah isku qabaan isla markaana muddo sannado ah ay isla haasaawayeen, xitaa waxay ka wadahadleen inay isguursadaan.

Hooyada dhashay gabadhaan 12 sanno jirka ah, waxaa la xaqiijiyey inay 27 sanno jir tahay, taasoo la micno ah inay ka dhallin badan tahay wiilkaan iyo gabadheeda oo da’dooda la isku daray.

Waalidiinta ugu yar Britain ayaa haatan daaha ka qaaday inay doonayaan inay isla noolaadaan abid. Sidoo kale waxay caddeeyeen inay doonayaan inay korsadaan gabadhooda.