Atiriishada caanka ah ee Kangana Ranaut ayaa wareysi xiiso leh bixisay maalintii shalay ahed xidigtaan nolosheeda gaarka ah ayee sifiican oga hadashay iyo caqabadihii soo mareen inaba caadi ma ahan waa wareysi xiiso leh.

Hrithik Roshan ayee ka hadashay sido kale Salman Khan ayee weerar ku qaaday oo isaga iyo saxaafada ayee isku dirtay waana idiin soo gudbinay mowduucyadaas markaana waxaan idiin heynaa mowduuca GALMO oo ay ka hadashay atiriishadan.

Sheekooyinkan oo kale markee Kangana ka hadleyso si aan caadi ahen ayee u taraaraxdaa waxba ma reebto 5 sano kahor ayee sidaan iyo ka daran kaga sheekeysay mowduuca galmo hadaba suxufiyiintii wareysanayeen ayaa wax ka weydiyeen sheekadan oo si aan gambasho laheen ayee usharaxday waxayna tiri.

“Galmada waa muhiim qof walba oo addduunkaan guudkiisa ku nool muhiim ayee u tahay wuu u baahan yahay waana caafimaad ka hadlideedana in laga xishoodo maba ahan.”

“Haddii aad rabooto galmo ama aad u baahato waa inaad sameysaa waalidkana waxaan ugu baaqayaa inee caruurtooda ku dhiiro galiyaan kuna garab istaagaan inee galmada sameyaan.”

“Aniga waalidkey wey naxeen markee arkeen anigoo galmo sameeynaayo waalidka waa inee ku farxaan caruurtooda oo galmo sameeyneyso bedelkii ay ka nixi lahaayen ileen waan wada ognahay inaan u wada baahanahay oo laga maarmin.”

Mida kale galmada aan ka hadlaayo waa mid sharciyesan (in la is guursado) ee kama hadlaayo mid mugdi muufo kucunowga ah waalidka caruurta galmo ha u fasaxaan markaan leeyahay waxaan ula jeeda caruurtooda ha u guuriyaan si dhaqsi ah ileen galmo sharciyeesan qofkii helaa nolol raaxo iyo caafimaad qabta ayuu helay.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here