Shraddha Kapoor ayaa kudhexjirta xiligeeda ugu wacan shirkada Bollywoodka iyo shaqadeedaba maadama aflaamteeda u dambeyeen guulo wacan u gaareen kuwaaso kala ah Saaho iyo Chhichhore.

Waxay kaloo La timid Baaghi 3 kaaso guul wacan u gaaray waxaana lagu amaanay iskusoo dhowaanshaha Tiger iyo Shraddha markee shaashada kasoo muuqanayaan ileen Baaghi ayaa horey looga helay sidee u jileen.

Hadaba Shraddha oo wax laga weydiiyay la shaqeynta Tiger iyadoo meel xaflad ah joogto waxay ku jawaabtay,”Tiger waa qaaligeyga waa saaxiibkeyga qaaliga ah aadna aan u jeclahay.”

“Dabeecad wanaagiisa iyo shaqadiisa hufan mar ayaaba jirtay oo aan iska dhex arkay (kadib wey qososhay markee saas dhahday) al muhiim waan ku faraxsanahay inaan markale la shaqeyo qof igu qaali ah Tiger Shroff.”

Waxay kaloo xidigtaan goobta ka sheegtay sidee caruur u noqotay markee Big B filim la sameeysay,”markaa Legend shaashada kala soo muuqatid adigo dhan caruur ayaa noqone waana mida igu dhacday aniga marlaa mudane Amitabh Bachchan shaashada kala soo muuqday laakiin wax badan oo qibrad ah ayaa ka faaiday la shaqeyntiisa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here