Qorshaha wuxuu ahaa in abaal marinta National Film Awards markii 67-aad sanadkan la bixiyo sida caadiga ah bisha April ayaa guuleestayaasha lagu dhawaaqaa halka 3 May sanad walbo jilaayaasha biladan lagu riyoodo hantaan abaal marinada lagu gudoonsiiyo barlaamanka Hindiya laga maamulo ee Delhi ku yaalo.

Balse sanadkan lama bixin doono abaal marinta National Film Awards madaama Hindiya xaalad bandow ah ka jirto welina aan laga guuleesanin Coronavirus-ka oo dunida oo idil dhibaato ba’an ku haayo sida ay gudiga National Film Awards bixiyaan shaaca ka qaadeen.

Sidoo kale lama hubo in biladan xitaa sanadka dambe la bixin doono madaama aan la ogeyn waqtiga tiyaatarada dib loo furi doono xaalkana caadi kusoo laaban doono madaama cabsi weyn laga qabo in Coronavirus-ka laga guuleesan waayo haddii tiyaatarada dib loo furo dhawaanahan waxayna u badan tahay wixii ka dambeeyo bisha July in la furo.

Sanadkii hore 2019 bixinta biladaha National Film Awards markii 66-aad la bixinaayay dib u dhac ayaa ku yimid oo bishii December ayaa la bixiyay sababtana waxay ahayd doorashooyinka Hindiya ka jireen bilihii April iyo May.

Waxaana atooraha ugu wanaagsan National Film Awards ku guuleesteen Ayushmann Khurrana bandhigiisii Andhadhun iyo Vicky Kaushal bandhigiisii Uri ayaa lagu wada siiyay waxayna ka wada tirsan yihiin Bollywood-ka halka atirishada ugu wanaagsan ku guuleesatay Keerthy Suresh oo Telugu ka tirsan waxayna ku qaadatay filimkeedii Mahanati.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here