Waan ka xunahay Dabangg 3 oo caqabadaha kusii bateen iyo filimkaan oo xaalada ka xuntahay. Maxaa soo kordhay?

0
1238

Filimka Dabangg 3 ayaa maanta galinkii hore tiyaatarada la saaray balse nasiib xumo filimkaan ayaa caqabado waaweyn la kulmay kuwaasoo feylaha ku dhagan ganacsiga filimkaan maalmihiisa koowaad.

Maanta oo filimkaan tiyaatarada la saaray ayaa sidaan xili horeba idiin sheegnay la kulmay caqab ay ugu weyntahay rabshadaha maalmahaan ka jireen gudaha Inida gaar ahaan waqooyiga India oo ah halkii la rabay in filimkaan ka gadmo.

Magaalooyin badan oo waaweyn misna ganacsigooda lagu tashanaayay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in bandow iyo mudaharaadyo isdaba joog ah ka jireen balse dhibka jira ayaa wuxuu yahay in maalmaha fasaxa ee bari oo sabti ah iyo axada oo maalin nasasho ah filimkaan sidii la rabay u gadmi doonin waayo waxaa lagu soo waramayaa in dibad baxyada sii socon doonaan mana ahan arin filimkaan u wanaagsan waayo waxay caqabad ku noqon doonaan dibad baxyadaas iyo bandowga la socdaba ganacsiga filimkaan.

Maanta sida aan idinku soo wargalinayba ganacsiga filimka caqabad ayuu la kulmay arintaasoo lacagihiisa hoos u dhigtay haatana bari iyo saa dambe ayay caqabadihii maanta oo kale wajihi doonaan balse waxaa la filaa in filimkaa uu ka faaideysto fasaxa Chrismaska oo ku began 25ta bishaan hadii caqabada sii socon.

Sidoo kale filimkaan ayaa mudo 2 isbuuc ah heysto tiyaataro ku filan taasoo u suurto galin karto in ganacsigii maalamahaan caqabadaha ah kaga dhumay uu filimkaan dib usoo ceshto waase hadii filimkaan sheekadiisa lala dhaco misna daawadayaasha aad uga helaan.

Nasiib wacan kooxda Dabangg 3.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here