Irrfan Khan filimka uu kusoo laabtay Angrezi Medium sidoo kalena Kareena Kapoor Khan door muhiim ah ku leedahay si liidato ayuu ku furmay oo u dhaxeyso 8% ilaa 10% waxaana ugu wacan in 45 tiyaatar muhiim ah oo Delhi ku yaalo filimkan laga daawaneyn madaama la xiray una dheer tahay in gobolada Kerala iyo Jammu tiyaatarada ku yaalo albaabada la isugu dhuftay madaama Coronavirus laga cabsi qabo.

Angrezi Medium waa qaybta labaad ee filimkii Hindi Medium oo sanadii 2017 HIT noqday balse isaga xitaa maalintiisii kowaad 2.50 Crore ayuu keenay ee gadaal ayuu ka gadmay madaama sheekadiisa la amaanay waxaana macquul ah in Angrezi Medium ku adkaato ganacsigii Hindi Medium maalinta kowaad sameeyay sedex sano ka hor inuu maanta sameeyo!

Waxaan soo qaadan karna Sample muujinaayo sida filimka Angrezi Medium magaalooyinka waa weyn kaga furmay taasi oo laga fahmi karo maanta subaxdii hore xiliga Hindiya dad badan inaysan tiyaatarka soo aadin waxaana u fiicnaan laheyd kooxda filimkan inay mashrucooda dib u dhigtaan madaama cabsi xoogan daawadayaasha qabaan:

Delhi/UP 10% ayuu kaga furmay waxaana laga daawanaa 480 tiyaatar

Mumbai wuxuu kaga furmay 15% waxaana laga daawanaa 750 tiyaatar

Pune wuxuu kaga furmay 10% waxaana laga daawanaa 275 tiyaatar

Bengaluru wuxuu kaga furmay 10% waxaana laga daawanaa 210 tiyaatar

Hyderabad wuxuu kaga furmay 10% waxaana laga daawanaa 170 tiyaatar

Kolkata wuxuu kaga furmay 15% waxaana laga daawanaa 220 tiyaatar

Ahmedabad wuxuu kaga furmay 10% waxaana laga daawanaa 230 tiyaatar

Chennai wuxuu kaga furmay 10% waxaana laga daawanaa 33 tiyaatar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here