Murqaaniga Bollywood-ka John Abraham wuxuu jecel yahay marwalbo halista inuu bareero gaar ahaan marka uu sameenayo filimada Action-ka ah markaana kuma sii jirto waxa uu ku soo bandhigi doono filimkiisa la wada sugaayo Attack ee uu Action waali ah kusoo bandhigi doono balse nasiib daro xidigan haatan waxaa lasoo warinaa in dhaawac uu soo gaaray xili uu shaqada filimkan ku guda jiray.

John ayaa soo bandhigay sawir xili uu filimkiisa Attack duubayay asigoo dhabarka ilaa qoorta inta u dhaxeyso looga dhufanaayo nal laakiin nasiib daro dhaawac ayaa soo gaaray oo ah dhalooyinka nalka qoorta inay ka galeen wuxuuna yiri “Sida ay wax ku bilaawdeen iyo sida wax noqdeen isma lahan waxaa isoo gaaray dhaawac waqti aan duubayay filimkeyga Attack oo ficilo halis badan ku jiraan.”

Sidoo kalena maalmo ka hor John wuxuu soo bandhigay asigoo mooto ku dhex wado bartamaha magaalada sidoo kalena aan wax koofi difaac ah wadanin xawaare sarena ku wado mootada wuxuuna sameenayay Action halis badan oo filimkiisa Attack ku jiro waxaana John lagula taliyay halista xad dhaafka ah ee uu u bareerayo inuu yareeyo.

Filimka Attack wuxuu doonayaa John Abraham tiyaatarada inuu saaro 15-ka August 2021 todobaadka xuriyada Hindiya loo dabaal dagayo waxaana kula jiraan labada atirisho ee kala ah Jacqueline Fernandez iyo Rakul Preet Singh sidoo kalena John soo saarayaasha filimkan ayuu ka mid yahay halka Lakshya Raj Anand uu Director ka yahay mashruucan xiisaha badan ee John Action walbo halistiisa wato kusoo bandhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here