Xidigta laga daba dhacay Kriti Sanon oo mashaariic fara badan gacanta ku heesato waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay COVID-19 waxayna xidigtan ku sugneed deegaanka Chandigarh ee Waqooyiga Hindiya ku yaalo marka uu karoona ku dhacay xili ay soo gaba gabeesay duubista filim ay lasoo wado Rajkummar Rao.

Kriti Sanon waxaa u diyaarsan filimka Mimi oo ay isla jilayaan Pankaj Tripathi iyo Sai Tamhankar dhawaana tiyaatarada laga daawan doono, balse waxay gashay karantiil waxayna ka dhigin tahay mashaariicda ay duubista ku bilaabi laheyd sida Adipurush oo ay Prabhas la jileyso iyo Bachchan Pandey oo ay Akshay Kumar la jileyso inay dib u dhac duubistooda ku imaan karto waa haddii atirishadan 14-cisho ka yar kaga soo kabanin karoonaha.

Maalmo ka hor waxaan idinla wadaagnay in Varun Dhawan Neetu Kapoor iyo director Raj Mehta karoona ku dhacay xili ay ku sugnaayeen deegaanka Chandigarth oo ay filimkooda Jug Jug Jeeyo ku duubayeen taasi oo ka dhigan in Waqooyiga Hindiya haatan karoonaha kusoo laba kacleenayo macquulna ay tahay inay joojiyaan jilaayaasha socdaalka ay gobolada Waqooyi ku aadayaan oo ay filimada kusoo duubayaan.

Kriti Sanon ayaa baraha bulshada ku xaqiijisay xanuunka karoonaha ku dhacay waxayna taageerayaasheeda u sheegtay inay caafimaad qabto xaalad ahaan sidoo kalena karantiil gashay dhawaana karoonaha ka guuleesan doonto waxayna qof walbo ugu baaqday inuu taxadiro madaama halista karoonaha weli si guud Hindiya kaga jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here