Shirkada Forbes ayaa soo saartay liiska 10-ka atirisho ee sanadkan 2019 ugu daqliga badan waxaana liiskan laga waayay labada atirisho ee Hindiya ugu caansan uguna jeebka buuran Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone.

Scarlett Johansson ayaa noqotay atirishada 2019 daqliga ugu badan kasbato waxayna xidigtan heshay $56m waxaana gabadhan 34-jirka ah caawiyay in filimkeedii Avengers: Endgame Blockbuster weyn noqday sanadkan.

Kaalinta labaad waxaa soo gashay gabadha Hollywood-ka ka tirsan Sofia Vergara oo daqli ahaan kasbatay $44.10m waxaa xusid mudan xogtaan shirkada Forbes oo daabacday inay ku xeen daaban tahay atirishooyinka caalamka iyo daqliga ay kasbadeen intii u dhaxeeyay 1 June 2018 ilaa 1 June 2019.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 10-ka atirisho ee sanadkan 2019 lacagaha ugu badan kasbadeen ayadoo Deepika iyo Priyanka sanadkan liiska laga waayay ayagoo horey usoo galeen liiskan sanadihii aan kasoo gudubnay sida ay shirkada Forbes soo daabacday:

10. Ellen Pompeo – $22 million

9. Charlize Theron- $23 million

8. Margot Robbie- $23.5 million

7. Elisabeth Moss – $24 million

6. Kaley Cuoco – $25 million

5. Jennifer Aniston – $28 million

4. Nicole Kidman – $34 million

3. Reese Witherspoon – $35 million

2. Sofia Vergara – $44.1 million

1. Scarlett Johansson – $56 million

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here