Maidaan waxuu kamid ahaa aflaamta sida weyn loo sugaay sanadkaan balse dib udhac ugu yimid Coronavirus dartiis qorshahana waxuu ahaa in tiyaatarada la saaro November 2020 balse hader waxaa lagu dhawaaqay in dib loo dhigay waliba sanadka dambe.

Ajay Devgn ayaa hogaamiye ka ah waana mashruuc Sports ah waxaana shaaca laga qaaday in la daawan doono 13 August 2021 oo ku beegan todobaadka kowaad ee feestada maalinta xoriyada hindiya Ajay ayaana baraha bulshada ku shaaciyay waxuuna yiri isagoo hadlaayo.

Ajay Devgn's Maidaan gets pushed to 2021; will now release on THIS date

“Todobaadka xoriyada hindiya ee 2021 waxaad daawan doontaan sheeko badankiin idin ka qarsoon oo qofwalbo indian ah ku faani doono, 13 Aug 2021 tiyaatarada u daawasho taga filimka Maidaan oo calaameyso taariikhdaas.”

Waxaa atiriisho ka ah Priyamani halka uu director ka yahay Amit Sharms mashruuca waxaa looga hadlss nolosha macalinkii kubada cagta hindiya aas aasay ee Syed Abdul Rahim markii dambena kooxda caalamiga hindiya iyo sports-ka oodhan ayuu maamuule u ahaa ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 1963 waana halyeey ay ku faanaan reer hindiya xiliga dahabiga kubada cagta hindiya ayaana lagu xeendaabay sheekada filimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here