Waan ka xunahay taageerayaasha Sallu filimka Dabangg 3 sidii la filaayay Blockbuster intuu noqdo iska dhaafee Hit inuu noqdo ayuu la rafanayaa.

1
1184

Filimka Dabangg 3 wuxuu ahaa filimka ugu weyn sanadkaan tiyaatarada la saaray uguna hadalheynta badnaa asigoona lagu beegay fasaxa Christmaska balse filimkaan ayaaba inta fasaxii la gaarin misna Weekendiga lagu jiray u muuqdo mid fashilmi doono sababahaan soo socdo owgood.

Caqabada koowaad waa in filimkaan tikidkiisa hormariska aanan xili hore la bilaabin si filimka macaash fiican looga helo kooxda tiyaatarada leh iyo Sallu ayaa isku fahmi waayay tiyaatarada filimkaan lasiin doono todobaadkiisa labaad taasoo kaliftay sidaan horayba idiin kula wadaagnay in la isla soo gaaro ilaa habeenkii khamiista.

Caqabada labaad rabshadaha filimkaan qabsadeen gaar ahaan kuwa salka ku haayay sharciga cusub ee jinsiyadaha kaasoo dalka India lagu soo rogay wuxuuna sharcigaan faquuq u geysanayaa muslimiinta wadankaasi ku nool taasoona sababtay banana baxyo rabshado wato iyo in goobo badan oo shineemooyinkii filimkaan lasaari lahaa la xiro haba ugu darnaadeene magaalooyinka Delhi iy UP.

Caqabada sadaxaad waxay tahay filimkaan fariintiisa oo iska dhex dhexaad ah isla markaasna aanan aheyn sidii laga filaayay mana ahan filim fariin weyn xambaarsan kaasoo dadka ku qasbi karto in tiyaatarka soo aadaan marxalad kasta oo jirtaba.

Sidaas owgeed caqabadahaas oo isbiirsaday waxay sabab u noqdeen in filimkaan ku fashilmo in darajada Blockbuster gaaro sidoo kalana darajada 300 crore gaari waayo.

Aan idiin raaciyo 300 crore intaan haatan lagu fikirin filimkaan lama hubo xitaa inuu Hit noqon doono iyo in darajjada 200 crore xitaa gaari doono waxayna u badantahay in cimri ahaantiisa uu keeni doono 170 ilaa 180 crore lacago u dhaxeeyo hadii aysan isbadal lama filaan ah dhicin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here