Xidiga Telugu ah ee laga dambeeyo Vijay Deverakonda filimkiisa cusub World Famous Lover waan ka xunahay gabi ahaanba wuu bur buray madaama ganacsi aad u liito uu sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso filimkan hamiga weyn laga qabay.

Filimka Vijay Deverakonda haatan waxaa u suura gashay sedexda maalmood ugu horeyso inuu soo xareeyay 13 Crore qiyaas ahaan lacagta nadiifka ah halka canshuurta ka hor uu keenay 15 Crore sidoo kalena suuqyada caalamka 2.50 Crore ayuu kasoo xareeyay taasi oo ka dhigan ganacsigiisa inuu aad u liito madaama 17.50 Crore qiyaas ahaan keenay sedexda maalmood ugu horeyso.

Filimka World Famous Lover waxaa laga filaayay maalintiisa kowaad ayaa ganacsigan laga filaayay haatana gabi ahaan wuu bur buray mashruucan madaama maanta oo Isniin ah in ka badan 70% hoos u dhac sameeyay waana u dhamaatay filimkan.

Kooxaha cajaladaha qeybiyaan filimka World Famous Lover waxay ku iibsadeen 29 Crore haatana sedexda maalmood ugu horeyso ku dhawaad 7 Crore ayay ka heleen waana hubanti qasaaro lixaad leh inay kala kulmi doonaan mashruucan hamiga weyn laga qabay inuu guul weyn gaari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here