Ninbaa ka guursaday cid dhaqaalo leh gabar qurux badan gasac dahab ahna gabadhooda wey siyeen maalinkii la guurinaayey.

Ninkii dahabka ayuu arkay mudo 10 sano ahna si caqliyesan ayuu dahabka gabadha ku cunsiiyay isagoo biil oga dhigay 4 caruurna ka dhalay.

Markii dahabkii dhamaaday oo lacagna la heynin ninkana ma shaqeeste yahay ayee is dagaaleen oo heer waan ku furaa uu dhaho ninkii..

#Ninkii: Waan ku furayaa balaayo qeylo badan.

#Gabadhii: War hadaa i fureyso gasaceyga dahabka halkaa dhig iyo 10 sano biilkii aan xaqa u lahaa.

#Ninkii: Naa hoogto ma lacag unbaa igu jecleyd anigu jaceyl aan kuu qabo gurigii waan ka bixi waayey 10 sano.

#Gabadhii: War waligaaba ima aadan jeclaan waxaad itartana oo kaa faaidayna maba arag.

#Ninkii: Naag kaa been badan waligey ma arag, 10 sano ayaan kaa qoslinaayey warkaa idhahdana haye aan kulahaa, imisa jeer baan kuu qubeyay cunug aan dhalay oo kale.

Imisa jeer baad Tv intaad ka aragto atoore atiriisho kor u qaadayo aad idhihi jirtay “gacaliye i xambaar” balaayo culeys badan dhibka aan ka mari jiray culeyskaada miyaad ogtahay.

Maalin walba google-ka sidan geerar oga raadin jiray indhihii baa i xanuuneen oo hada ookiyaal baan qaataa ileen habeel walba geerar sida Qur’aankii igu dul akhri baad idhihi jirtay sida adigo hurdo kaa imaanenin hadaan lagu ammaanin.

#Gabadhii: Oo wixii ammaan ahaa aad iisheegi jirtay ma google-ka ayaad kasoo qoran jirtay Ala ciil badanaayey?

#Ninkii: Oo ma waxyi ahaan baa la iigusoo dajin lahaa waxaaso geeraar ah jaceyl aan kuu qabaan google-ka ugu dul meereysan jiray.

Waxaa tahay abaal-laay, 3 maalmood aan lacag la’aan nahay ayaad ila dagaaleysa bal kawaran ninka aad habeeno badan seexisay isagoo kuu baahan markaad musalsal daawaneyso yaa dhintay yaa nool ma dhahdid sug sug saa iidhihi jirtay baan ciishooday.

4 caruur ee aan kaa dhalay jadwalkoon kuu bedeshtay ayee ku dhashteen mooyee saacan caruuur la’aan baan ahaan laheyn.

Ma aadan gudan waajibkii xaaska looga baahnaa ma xssuusataa inta jeer aan I Love you kudhihi jiray maalinkii, waxaadse xasuusataa 3 maalmood dagaalkii na dhexmaray.

#Gabadhii: Aniga wax walbo kuugu samray balse meel u yeel hadalkii ahaa “waan ku furayaa” ma aniga ayaad maanta sidaa igu tiri.

#Ninkii: Anigu kumaan dhihine Habaar-qabihii (Sheydaanka) ayaa iga dul dhawaaqay waad ogtahay aduunyada gabar aan kugu doorsan ineysan jirin.

Horta malaguu sheegay inaad tahay gabadha ugu indhaha qurxoon adduunka?

#Gabadhii: Sidee……?

#Ninkii: markaad isoo eegto qalbigeyga hilaac ayaa ka kaco xabiibti..

#Gabadhii: kkkk waakaas waakaas waan ku fiiriyay aaway hilaaca?

#Ninkii: aaaa…aaa wadnaha…wadnaha waxbaa ka guuxaya bal eeg gacaliso.

#Gabadhii: Itus aan arke waa intee….

#Ninkii: Halkaan kuguma tusaaye ina keen aqalkeena aan aadne halkaas baan kuugu sheegi wax badanoo aan horey kuugu sheegine..

#Gabadhii: Haye ina kaxee bal maanta kaama yeelayo ama waxaa itusee ama waan ku rifaa

Qolka oo dagaal iyo is rifoow ka socda ayaa iigu war dambeysay oo gabadhii leedahay aaway hilaaca kkkkkkkkk.

Ma shaqeeste ama masuuliyad isma saare gurigiisa buuq kama dhamaado xitaa haduu Afku-malable yahay….

1 COMMENT

  1. Nio Box officka iyo Arimaha Kazoo Kordha ayan Kugu Ogaayeh Hawlahan Kale Dip inoogu Dhiga Pls Xogaha Rasmiga inad Nala Wadaagto isku Day Bro , Maalmahan Wxoga Caajizba idinka Muuqde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here