Waxaan wada ogeyn sanadii 2018 in xidiga caanka ah Ranbir Kapoor uu Hindiya ku qabsaday filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Sanju ee nolosha Sanjay Dutt looga hadlaayay asigoo abaal marin oo caalami ah ku qaatay balse wixii markaas ka dambeeyay xidigan saaxada kuma soo laabanin.

Taageerayaasha Ranbir waxay u dul qaateen sanadkii hore 2019 wax filim ah usoo bixin balse haatan aqbaar wanaagsaneyn ayaa soo baxday madaama filimkiisa weyn Brahmastra dib loo dhigay oo 2021 la daawan doono taasi oo ka dhigan labo sano oo xariir ah inay RK ka luntay oo shaashada wax filim ah loo soo saarin mana ahan arin u wanaagsan awoodiisa dhanka Boxoffice-ka.

Karan Johar oo soo saare ka ah filimka Brahmastra ayaa sheegay in 4 December 2020 la daawan doonin filimkan weyn madaama jadwalkiisa ugu dambeeyay filimkan saameyn ku yeeshay Coronavirus sidoo kale aan la ogeyn xiliga xaalada caadi kusoo laaban doonto waxay isla qaateen kooxda filimkan in gabi ahaanba 2020 aan la daawanin mashruucan weyn oo sanadka dambe la geeyo daawashadiisa.

Brahmastra oo filim taxane ah sidoo kalena fariintiisa qayaaliga seyniska tahay waxaa wada jilayaan Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo Nagarjuna waxaana xusid mudan si gaar ah in Ranbir filimkan ku jilaayo Super Hero awood badan laakiin nasiib daro sanadkan lama daawan doono mashruucan sida shirkada Dharma Productions laga soo xigtay oo filimkan maal galineyso halka Ayan Mukerji uu Director ka yahay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here