Waardiyihii Michael Jackson oo qarxiyay sir weyn sheegayna sababtii rasmiga ee uu u dhintay Michael Jackson.

0
2425

Michael Jackson u maleyn mayo cidaan aqoonin iney jirto wuxuuna ahaa fanaan caalami ah sidoo kalana qoob kacayaarka looga haray balse wuxuu geeriyooday sanadkii 2009kii asoo 50 jir ah.

Geerida Michael Jackson ayay dhakhaatiirta ku sheegeen geeridiisa iney keentay kadib markuu uu fanaanka wadnaha istaagay waxaana sababtaas lahaa dhakhtarkiisii qaaska ahaa oo Michael siiyay cirbado la isku dardaray oo qaarkoodna maandooriye ahaayeen taasoona ugu dambeyn keentay inuu u geeriyoodo.

Balse ninka la yiraahdo Matt Fiddes oo ahaa masuulka shirkada ka masuulka aheyd ilaalinta Michael Jackson ayaa sheegay in fanaanka sababta uu u geeriyooday ay aheyd wararkii been abuurka ahaa ee saxaafada sida joogta uga qoreysay Michael Jackson.

Wuxuu sheegay in been abuurka saxaafada kaasoo ahaa in Michael uu ilmaha yar u hawoodo ay fanaanka kalsooni daro ku riday kana dhigtay sidii qof meyd socdo oo kale wuxuuna Michael ka go’ay cuntada asigoona miisankiisa aad isku dhimay waxaana yareyd huradadiisa xili dareenka cabsida uu jirkiisa aad ugu fiday isla markaasna uu bilaabay xitaa inuu ka cabsado saaxiibadiisa kuwa ugu dhaw wuxuu kaloona ka cabsanayay in xabad lagu dhufto cabsidaas iyo xaaladaas jahwareerka uu galayna ay ugu dambeyn sabab u noqotay geeridiisa.

Matt ayaa sidoo kale sheegay in Michael Jackson uu doonayay inuu is bari yeelo eedeymahana iska bari yeelo balse geeridiisa ay soo dagdagtay.

Michael Jackson ayaa geeriyooday sanadkii 2009kii waxayna geeridiisa dhalisay su’aalo badan iyadoo xitaa la sheego in shirqool lagu dilay sidoo kalana wuxuu ku eedeysnaa inuu caruurta yar yar u hawoon jiray taasoona sumcadiisii dhulka la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here