Waardiyihii Michael Jackson oo siro kale oo hor leh kashifay sheegayna in…

0
1774

Waxaan horay idiin kula wadaagnay in waardiyihii Michael Jackson ninka lagu magacaabo Matt Fiddes uu sheegay sababta rasmiga ee uu u geeriyooday fanaankaan.

Matt Fiddes ayaa sheegay in Michael Jackson u geeriyooday murugo ay u raacday nafaqo dari iyo hurdo la’aan kadib markii warar been abuur ah saxaafada ka qoreen taasoona soo dadajisay geeridiisa.

Hadaba Matt Fiddes ayaa markale ka hadlay sirta ka dambeysay in Michael Jcakson xiran jiray maaskaro iyo waxyaabo kale xuiliga uu heesaha qaadayo wuxuuna sheegay inuu ugu dan lahaa ujeedkiisa ugu weyna uu ahaa inuu qabsado bogaga hore ee wargeysyada.

Matt Fiddes ayaa yiri; Michael wuxuu ahaa xariif yaqaano sida saxaafada wax looga gado wuxuuna sameyn jiray habdhaqano layaab leh si uu u ahaado shakhsiga koowaad ee saxaafada wax ka qorto balse ugu dambeyn arinkaas asiga ayay kusoo laabatay.

Matt oo hadalkiisa sii wado ayaa yiri; wararkii been abuurka ahaa ee ay saxaafada ka qortay asiga waa kuwa sabab u noqdeen in uu geeriyoodo xaalada ka xumaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here