Inaba caadi ma ahan filimka taxanaha ah Bod Boys 3 ama Bad Boys For Life ayaa gudaha USA Boxoffice heesto kadib markii afartiisa maalmood ugu horeyso filimkan kusoo xareeyay $73.4m wuxuuna siweyn kaga faa’iideestay fasaxa xuska Martin Luther King Jr. gudaha Mareekanka ka jiray.

Filimka Bad Boys 3 oo ay hogaamiyaal ka yihiin Will Smith iyo Martin Lawrence waxaa gudaha Mareekanka laga daaday 3,775 tiyaatar wuxuuna tiyaatar walbo ka keenay $19,443 cel celis ahaan waxayna u tahay shirkada Sony Pictures madaama dhawaan filimkeedii kale oo ay shirkadan maal galineesay Jumanji: The Next Level HIT weyn ka noqday gudaha USA Boxoffice.

Filimka Bad Boys 3 oo ah Action iyo shactiro isku jir dadka tiyaatarada gudaha Mareekanka ka daawadeen afartiisa maalmood ugu horeesay 42% waxay ahaayeen African Americans sidoo kalena 56% dadka daawadeen lab ahaayeen sidoo kalena 58% dadka tikit-ka u goosteen da’dooda waxay ka weyneed 35-sano ama ka yareed sida ay shaaca ka qaaday shabakada PostTrak.

Dhinaca kale filimka Bad Boys For Life wuxu suuqyada caalamka kasoo xareeyay $37.3m ayadoo laga daawaday 39 suuq waxayna ka dhigan tahay filimkan lagu qarash gareeyay $90m ganacsigiisa guud dibad iyo dal marka la isku daro inuu haatan maraayo $112m waana mashruuc Big HIT noqon doono dibad iyo dal.

Xidiga caanka ah Will Smith culees xoogan ayaa ka dagay kadib markii filimkiisii ugu dambeeyay Gemini Man siweyn tiyaatarka ugu fashilmay dibad iyo dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here