Waaw: Bal nala daawo goos gooska kooban filimka Zero SRK oo cilin ah iyo Salman bandhiga ay sameenayaan (+Video)

Mar dambe ma sugi doono inaan shaashada ku daawano King Khan Khan iyo Mega Star Salman Khan muuqaalkooda sida weyn loo hadal haayay maal mihii ugu dambeeyay.

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay muuqaalka kooban (Teaser) ee filimka Zero u gaarka ah sidoo kalena SRK hogaamiye ka yahay wuxuuna waqti ahaan soconayaa 1-daqiiqo iyo 21-ilbiriqsi.

SRK oo cilin ah ama nin aad u gaaban ayaa imaanayo masraxa lagu soo dhaween rabo Salman Khan oo Superstar jilaayo kadib wuxuu isku maleenaa SRK in isaga daawadayaasha goobta ku sugan inay u sacabo tumayaan markii uu SRK isku bog bogo ayuu dushiisa ka arkaa qofka loo sacaba tumaayo inuu Salman yahay!

Laakiin Salman iyo SRK ayaa masraxa wada korayaan kadibna goobta wacdaro ka dhigayaan waana hubaal in filimka Zero hadal heyntiisa iyo xiisahiisa cirka isku sii shareeri doonto.

Zero waxaa tiyaatarada la saari doonaa 21 Dec 2018, balse goos gooskan kooban waxaa loo soo bandhigay in Ciidul Fitrigaan SRK taageerayaashiisa ku raaxeestaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska koobkan filimka Zero laga soo bandhigay adigaaba ka heli doontid hubaal ahaan: