Suldaan Mahesh Babu wuu soo laabtay wuxuuna goos goos dhameestiran oo cajiib badan uu kasoo bandhigay filimkiisa weyn ee qof walbo sugaayo Sarileru Neekevvaru waxaana mashruucan xiisaha badan tiyaatarada la saari doonaa 11-ka bishan Janaayo xili Mahesh uu doonayo dhul weynaha Telugu inuu wacdaro weyn ka dhigo.

Filimka Sarileru Neekevvaru waa mid Action, shactiro, fariinta ciidanka iyo siyaasada xambaarsan wuxuuna Mahesh Babu ku jilayaa door Militari ah oo loogu yeerayo Ajay kadibna wuxuu garab siinayaa Vijayasanthi oo dooneyso siyaasada inay hogaamiso waxaana ka hor imaanayo Prakash Raj (See Rabtaa) oo filimkaan laadar ka ah.

Filimka Sarileru Neekevvaru waxaa atirisho kowaad ka ah Rashmika Mandanna halka Anil Ravipudi uu Director ka yahay wuxuuna Mahesh ka dhawaajiyay in mashruucan uu yahay mid qalbigiisa u dhow fariin ahaana ay daawadayaasha ka heli doonaan madaama dhan walbo uu ka dheeli tiran yahay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Sarileru Neekevvaru Suldaanka ku xarakeeyay waana hubaal inaad ka heli doontid qaabka goos gooskiisa loo dhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here