Xidiga Tamil ama Kollywood ka tirsan ee sida weyn loo jecel yahay Vishal wuxuu si rasmi ah usoo bandhigay goos gooska kooban (Teaser) ee filimkiisa xiga Action waxaana filimkan la daawan doonaa dhamaadka sanadkan ayadoo dib loo dhigay una badan yahay bisha December in la daawan doono.

Vishal filimka Action waxaa ku wehliso Tamannaah Bhatia halka uu Director ka yahay Sundar C oo horey Vishal ugu sameeyay filimada hirgaleen Aambala & Theeya Velai Seiyaanum Kuma waxaana xusid mudan mashruucan cusub ay ku midoobeen in si caalami ah loo sameeyay ayadoo Vishal muuqaalo halis badan uu shaashada kusoo bandhigaayo.

Waxay u egtahay Vishal filimka Action inuu ku jilaayo sirdoon qarsoon oo dalal badan oo caalamka ah tagaayo halis badana la kulmi doono sidoo kalena mashruucan waxaa doorar muhiim ah ku leh  Akanksha Puri, Aishwarya Lekshmi, Yogi Babu halka shirkada Tridents Arts ay soo saare ka tahay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban ee xiisaha badan filimka Action laga soo bandhigay waxaana lagu duubay muuqalada qaar dalalka Turkey iyo Azerbaijan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here