Maxaa ka xiiso badan ugu dambeyntii inaan wax yar ka arki doono filimka weyn KGF Chapter 2 oo hogaamiye ka yahay Rocking Star Yash waxayna ku hardami doonaan Superstar Sanjay Dutt oo filimkan laadar ka ah halka Raveena Tandon door adag ku leedahay filimkan.

Haatan waxaa la ogaaday in goos goos kooban (Teaser) laga soo bandhigi doono filimka KGF Chapter 2 waxaana lagu soo beegi doonaa 8 Janaayo 2021 oo ah maalinta Rocking Star Yash u dabaal dagi doono sanad guuradiisa 36-aad waxaana soo dhaweeyeen taageerayaasha uu Superstar-kan ku leeyahay Koonfur Hindiya iyo guud ahaan daafaha caalamka.

Waxaan marnaba la hilmaami karin dabyaaqadii 2018 markii Yash la imaaday KGF Chapter 1 oo Hindiya iyo daafaha caalamka Blockbuster ka noqday kadibna atoorahan mashruuc kale ma uusan sameynin wixii markaas ka dambeeyay wuxuuna waqtigiisa oo idil galiyay qaybta labaad ee filimkan oo haatan duubistiisa gabo gabo ku dhow shaqadiisana ka socoto magaalada Hyderabad madaama Yash iyo Sanjay Dutt muuqaalka dagaalka ugu dambeeyo filimkan isku fara saarayaan ay duubayaan.

Yash iyo doorkiisa Rocking Bhai ayaa la wada sugaa goos gooska kooban ee xiisaha badan laga soo bandhigi doono waxaana la qorsheenaa filimkan KGF Chapter 2 in la daawado xagaaga dambe gaar ahaan bilaha June ama July wuxuuna ka mid yahay filimada ugu waa weyn ee sanadka dambe fanka Hindiya la imaan doonaan sidoo kalena mashruucan luqadaha Hindi, Tamil Telugu, Malayalam iyo Kannada ayaa lagu daawan doonaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here