Waaxda darooga baarista qaabilsan ayaa taleefanada gacanta ka aruurisay atiriishooyinka Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Shraddha Kapoor iyo Rakul Preet Singh si baaritaan loogu sameeyo.

Sido kale waxaa Mobile-ka gacanta laga qaaday shaqaalaha atiriishooyinkan sida Simona Khambatta, Karishma Prakash iyo Jaya Saha waxaana taleefaanada laga baaray qoraalo ama cod ay daroogo qof kale kala hadlayeen ama ku dalbanayeen.

Dhamaan atiriishooyinkan suaalo ayaa la weydiiyay Rakul iyada jimcihii ayaasuaalo la weydiiyay kadib markii la arkay qoraal ay WhatsApp-ka kula sheekeysatay Rhea xili ay daroogo ka hadlayeen.

Qofka daroogada dalbaneysay Rhea ayee ahed halka Rakul na ay tiri guriga ayee taala dad usoo dirso aan kuugu soo dhiibo balse Rakul marka xafiiska lagu wareeystay wey beenisay warkaas oodhan waxayna sheegtay in Rhea mudo sanado kahor isugu dambeysay inee wada hadlaan.

Dhanka kale seddexda atiriisho kale sabti ayaa suaalo la weydiiyay weyna beeniyeen inee daroogo isticmaalaan Deepika iyadu waxaysa qiratay in gacanyaraheeda WhatsApp-ka kula hadashay dhanka kale Sara iyo Shraddha waxay ka marqaati kaceen inee arkeen Sushant oo daroogo isticmaalaya.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here