Jilaayaasha Bollywood-ka mid walbo guriga ayuu iska joogaa waxayna dhawaanahan ku caan baxeen inay baraha bulshada saameyn xoogan ka abuuraan. Sidaa darteed Megastar Sunny Deol oo haatan ah xil dhibaan qaran ayaa markiisa baraha bulshada sawir xasuuso dheer dadka galiyay soo dhigay.

Sunny Deol ayaa sawirka sare idin kaga muuqdo baraha bulshada soo dhigay waana sawir isaga oo yar oo barkin heesto la dagaalamayo aabihiis Megastar Dharmendra iyo walaashiis wuxuuna Sunny qoraalkan soo raacsiiyay “Xasuus hore waa aniga oo barkin kula dagaalamayo aabaheey iyo walaasheey, nolosha xiiso wacneedaa xiligaas.”

Sunny Deol waxaa la dhasheen oo ku hooyo iyo aabo ah labo gabdhood Ajeeta iyo Vijeeta lagu kala magacaabo halka atooraha caanka ah Bobby Deol sidoo kale la dhashay waxaa intaas dheer in Sunny Deol ku aabo yihiin labada gabdhood ee kala ah Esha Deol oo atirisho caan ah iyo Ahan Deol oo aan marnaba fanka soo galin.

Sunny Deol sanadkii hore wuxuu soo caan bixiyay wiilkiisa Karan Deol asigoo u agaasimay sidoo kalena soo saare ka ahaa filimka Pal Pal Dil Ke Paas inkastoo filimkan ganacsi ahaan guul dareestay haddana reer Deol waxaa lagu yaqaan inaysan marbana quusanin wuxuuna Sunny dhawaan sheegay marka xaalada caadi kusoo laabato in wiilkiisa Karan Deol fursad labaad siin doono oo uu filim kale u maal galin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here