Wada sheekeysi waali ah oo dhexmaray Messi iyo Ronaldo. Maxay kawada hadleen?

0
780

Messi ayaana wadahadalka bilaabay.

Messi; Sidee kuugu suuro gashay inaad Manuel Neuer ku gubto gurigiisa iyo meel walba goolashana daad camal uga dhaliso?

Ronaldo; oo adigaba soo ma aadan gubin rug cadayaashii Buffon iyo Casilas ahaa?

Messi; Maxay tahay sababta aad ninka aad isku dalka nahay ee Simeone 2 Final UCL u burburisay koobkana uga xarintay kii Benfica iyo kii Milano-ba?

Ronaldo; oo adigaba macalinkeygii hore ee Fargee soo kama aadan xarimin koobkaan 2 Final UCL, finalkii Wembley iyo kii Olympico?

Messi; Sidee kuugu suurto gashay inaad faataalihii Zlatan ahaa gurigiisa asigoo joogo waliba dalkiisa hooyo gumaado?

Ronaldo; Oo adigaba soo ma aadan gumaadin markii uu PSG iyo Milanba joogay?

Messi; Sidee ku dhacday inaad jabiso macalinkaagii hore ee Farguson kaasoo ah ninkii wax kusoo baray waxna kaa dhigay?

Ronaldo; adigaba soo ma aadan jabinin Pep Guardiola oo macalinkaagii hore ahaa?

Messi; Waxaan aad ula yaabay sida dhiiga qabow ee aad goolhayayaasha u gumaadid halkaan Hatrick halkaasna Hatrick meel walbana Hatrick.

Ronaldo; Oo adiga miyaad ilowday jariimooyinkii waaweynaa ee aad ka gashay wixii difaac Kubadda cagta ciyaarayay adigoo waliba meelkasta oo garoonka kamid ah ku jiiday?

Messi; Waa runtaa niyahow kana raali noqo su’aalaha qaldan ee aan ku weydiiyay nabadna ku seexo.

Ronaldo; Habeen wanaagsan sxb adigana ku seexo rikoorada aan dhignay cid jabisa in la weyn dooni xitaa hadii Superman yimaado.

F.G. Wareysigaan waa mid khiyaali ah oo la alifay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here