Megastar Sunny Deol marka ay timaado shaashada in Action-ka lagu matalo iyo si geesinimo ku dheehan in loo hadlo cid ku gaarto malahan in kabadan 30-sano ayuu daawadayaasha tiyaatarka ka mada daalinaayay balse markaan wuxuu u weecday dhanka Digital World ama aflaanta sida Online-ka ah loo daawado.

Sunny Deol ayaa haatan la ogaaday inuu duubis ku wado filim si Online ah barta Zee5 looga daawan doono Internet-ka ku leeyihiin waana filim Action dhameestiran leh iyo dareen qiiro badan waxaana mashruucan lagu magacaabaa G 49.

Duubista filimka G 49 waxay kasoo socotaa Madh Island oo Mumbai ka tirsan weliba xil dhibaan Sunny Deol wuxuu rabaa mashruucan si dhaqsi ah inuu usoo gaba gabeeyo duubistiisa madaama hawlo badan oo dhanka siyaasada ah u yaaliin kadibna wuxuu rabaa inuu ogaado fal celinta taageerayaashiisa inuu kusoo biiray Digital World ama Web Series madaama dhawaanahan dhankaas u bateen jilaayaasha Bollywood-ka.

Sunny Deol ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka war doonista aflaanta sida Online ah loo daawado madaama dadka ay hormareen oo mada daalo tiyaatarka kaliya haatan loo soo raadsanin sidoo kalena Netfilex, Amazon Prime iyo Zee5 si Online ah looga daawado aflaan ay soo saaraan.

Nasiib wacan ayaan leenahay Libaaxa Bollywood-ka oo doonayo markaan inuu Internet-ka ka guuxo madaama uu sanado badan tiyaatarka ka guuxi jiray cod ahaan iyo ficil ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here