Iyada oo ay jireen warar xan ah maalmihii la soo dhaafay oo ku aadan in dib loo dhigayo taariikhda la daawan doono filimka ‘Angrezi Medium’ ayaa la xaqiijiyay in lsii deyn doono maalinta loo qorsheeyay oo ah 13 ka Maarso 2020.

Warar xan ah oo ku saabsan sii deynta filimka ayaa baraha bulshada heestay maal mahan iyadoo ay jirto cabsida Coronavirus.

Vijan oo ah guddiga filimkan ayaa bartiisa Twitter ka soo dhigay hadal u qornaa sida tan: ” Waxaan halkaan ka xaqiijinayaa in mashruuca Angrezi Medium la daawan doono taariikhda loo qorsheeyay marki hore oo ay 13 Maarso 2020.”

‘Angrezi Medium’ waa qeybta labaad filimka Medium oo 2017 soo baxay waxaana wado irrfan Khan. Filimkan waxaa soo saare ka ah Dinesh Vijan waxaana la dhigi doonaa tiyaatarada 13-ka bisha Maarso ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here