Wakiilka Klopp oo halkiisa kasii wato argagax galinta taageerayaasha Liverpool asigoona sheegay sabab Klopp u diidi karto heshiis cusub inuu saxiixo.

0
294

Macalinka Liverpool Jurgen Klopp tan iyo siduu u yimid kooxdaas 2015tii wuxuu ku sameeyay isbadal weyn oo dhinac kasta asigoona sanadkii hore kula guuleystay tartanka ugu weyn qaarada yurub ee UCL.

Sidaan wada ognahay taageere kasta oo Liverpool wuu jeclaan lahaa inuu arko Klopp oo kooxdiisa mudo dheer macalin u ah koobab iyo guulana ku hogaaminayo balse taas ayay macquul tahay ineysan dhicin.

Wakiilka macalin Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxda Liverpool diyaar latahay heshiis waqti dheer iney ka saxiixan macalinka balse heshiiskiisa uu ku egyahay 2022da wax dagdagn ugu jirin iney heshiis cusub saxiixaan.

Wakiilka ayaa intaasi wuxuu ku daray iney macquul tahay in Klopp uusan saxiixin wax heshiis cusub sabab la xiriirto cimilada xun ee waqooyi galbeed UK sababtana inuu England isaga hayaamo.

Hadalkani ayaa ah mid aysan marnaba soo dhaweyn doonin taageerayaasha kooxda Liverpool kuwaasoo ku rajo weyn in macalin Klopp heshiis cusub saxiixo kooxdana mudo dheer lasii joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here