Atirishada caanka ah ee 90-maadkii Bollywood-ka awooda ku laheyd sidoo kalena atoore walbo la shaqeyn jirtay Sonali Bendre weli ma aysan hilmaamin markii siweyn loogu xantay inay xiriir jaceyl la yeelatay Bollywood Action Hero oo ay shaqo soo jiidasho badan wadaageen in badan sidoo kalena aad loo jeclaa xili walbo inay shaashada kasoo wada muuqdaan.

Sonali Bendre waxay sheegtay markii hore in iyada iyo Suniel Shetty ku qosli jireen wararka sheegayo xiriir inuu ka dhaxeeyo laakiin markii dambe arinka gaaray heer labadooduba dhibsadaan sheekadan madaama wargesyada bilaabeen inay wax ka qoraan dadkana ku sheekaastaan oo ay noqotay mowduuc siweyn u hirgalay bartamihii 90-maadkii.

Sonali Bendre oo la hadleeyay wargeska caanka ah Stardust waxay tiri “Xasuus wanaagsan ma ahayn waayo Suniel waa qofka iigu dhawaa ee aan shaqo la wadaagay xitaa xaaskiisa Mana Shetty aqoon wanaagsan ayaa naga dhaxeyso laakiin wey na dhawaacday sheekadii ahayn in xiriir qarsoodi ah naga dhaxeeyay waayo shaqadeenii iyo nolosheenii ayay saameyn xoogan ku yeelatay.”

“Aniga saxaafada iyo qof walbo jawaab waan siin karay xiriirka Suniel igala dhaxeeyay ku aadanaa laakiin waxaan uga aamusay in Suniel reer leeyahay oo haddii sheekada lasii wad wado qoyskiisa dhaawaceyso anigana waxaan dareemay culees xoogan oo dhanka qoyskeyga iiga imaaday inaan arintaan ka hadlo.”

Sonali Bendre oo ka hadleyso sida xiriirkii Suniel iyada loo wad waday nolosheeda u saameeyay waxay tiri “Heer waxaan gaaray waalidkeyga xitaa su’aalo i weydiiyaan oo ku aadan sababta aan u jeclaaday in xaasle ah sidoo kalena walaasheey iga yar marka ay iskuulka aado saaxiibadeeda waxay weydiin jireen su’aalo ku aadan aniga iyo Suniel xiriirka naga dhaxeeyo!”

Suniel Shetty iyo Sonali Bendre ayaa aflaan badan isla sameeyeen 90-maadkii oo weliba aad loo jecel yahay waxaana ka mid ah Gaddaar, Sapoot, Takkar, Rakshak, Bhai iyo sidoo kale filimada aysan shaashada jaceyl ku wadaagan laakiin isla sameeyeen sida Qahar & Humse Badhkar Kaun sababtna keentey in la isku xanto ayaa ahayd in shaashada is fahan weyn kusoo bandhigi jireen aadna u jeclaayeen daawadayaasha inay marwalbo isla sameeyaan.

Sonali Bendre ayaa sheegtay in maantadan Suniel Shetty iyo qoyskiisa aad u tixgaliso sidoo kalena Suniel uu yahay nin aad u qalbi wanaagsan sidoo kalena karti badan madaama xantii 90-maadkii labadooda ku xeen daabneyd marnaba noloshiisa gaarka ah saameyn ku yeelanin oo uu wax walbo iska dafiray shaqadiisana wax walbo ugu muhiimsaneyd sidoo kalena xaaskiisa Mana Shetty tahay marwo seygeeda ku kalsoon.

Sonali Bendre dhawaan waxay kasoo kabatay xanuunka kansar-ka ayadoo dalka Mareekanka lagu soo daaweeyay waxayna kusoo laabatay Mumbai waxayna u dhaxdaa filim sameeye Goldie Behl oo ay is guursadeen sanadii 2002 waxaana u joogo wiil lagu magacaabo Ranveer Behl oo dhashay sanadii 2005.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here