India markii la joogo kahadlka da’da u dhaxeyso ninka iyo naagta markasta waa mid joogto ah.

In ninka weynyahay waa qasab balse in da’da uu naagta kaweynyahay ay aad u badato waxay abuurtaa mararka qaar hadal heyn xoogan waana arinka maanta heysata jilaaga Shahid Kapoor oo guursaday gabadha lagu magacaabo Mira Rajput.

Shahid ayaa Mira kaweyn 14 sano waxaana dhawaan asigoo ka qeyb galaayay barnaamijka No Filter Neha lagu weydiiyay da’da asiga iyo xaaskiisa u dhaxeyso iyo hadii ay saameyn asiga ku leedahay wuxuuna Shahid yiri; “Mira markasta waxay I caawisaa gaar ahaan xiliyada adag iyo mowqifyada adag” wuxuuna intaas ku daray in wax dhib ah aysan ku qabin asna ku qabin da’da 14ta sano balse taas badalkeeda Mira ay ka dhigeyso hooyo wanaagsan.

Sidoo kale Shahid ayaa sheegay inuusan marnaba ku fikirin markii uu 19 jirka ahaa inuu guursan doono gabar 5 jir ah oo uu 14 sano kaweynyahay wuxuuna dhahay asigoo arinkaas ka hadlaayay; “Markaan 19jirka ahaa wax fikrad ah kama heysan guurka gabar 5 jir ah (Mira) waxayna ila tahay in arinkaan tahay falkii ugu weynaa ee aan ku dhaqaaqay”.

Shahid ayaa marka uu 19jirka ahaa ay Mira Rajput ahyed 5 jir wuxuuna kaweynaa 14 sano balse markii ay soo qaan gaartay oo gashaanti noqotay ayuu guursaday ayadoona mudadaas uu shahid single ahaa marba gabar la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here