Ashish Chowdhry waa wiilkii lagu bartay filimki Qayamat ee Ajay Devgn, Neha Dhupia iyo Suniel Shetty hogaamiyaal ka ahaayeen lana daawaday sanadii 2003, kadib wuxuu sameeyay aflaan badan oo caan ah balse marnaba ma uusan noqonin xidig sal dhigtay Bollywood-ka wuxuuna u weecday dhanka Tv-yada barnaamijka laga daawado asigoo magac weyn halkaas ka sameeyay.

Ashish Chowdhry oo 41-jir ah dhibaato ah iyo xanuun aan waligiis ka hareyn ayaa lasoo daristay kadib markii walaashiis Monica iyo seygeedii ama seedigiis lagu dilay weerarkii ka dhacay Hotel-ka caanka ah Taj Mahal ee Mumbai ku yaalo sanadii 2008 ama taariikhda markay ahayd 26/11/08 ayadoo Hotel-kaas dad badan lagu dilay.

Ashish Chowdhry wuxuu yiri “Marnaba ma hilmaami karo qoys ahaan qasaarihii nasoo gaaray madaama weerarkii 26/11 aan ku weenay walaasheey iyo seedigeey sidoo kalena xanuunkaas wuxuu noqday mid mudo dheer na haayo haatana aduunyada waxaa ka jiro Coronavirus oo isagana dhibkiisa wato sidaa darteed mararka qaar looma adkeesan karo dhibaatooyinka kuso gaaro waqti kasto oo kasoo wareegato.”

Ashish Chowdhry haatan waxaa u dhaxdo atirishada lagu magacaabo Samita Bangargi waxaana lamaahan u joogaan sedex caruur ah iyo sidoo kale Ashish wuxuu xanaaneeyaa labo caruur ah oo walaashiis ka geeriyootay 12-sano ka hor.

Dhanka shaqada Ashish filimkii ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqday wuxuu ahaa musal salka caanka ah Beyhadh 2 asigoo ku matalaayay door muhiim ah oo loogu yeerayo Mrityunjay Ro. Dhanka Bollywood-ka filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Total Dhamaal oo uu door wacan ka qaatay kaasi oo sanadkii hore la daawaday sidoo kalena HIT weyn noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here