Waxaan idiin xaqiijinay geerida kutimid jilaaga caanka ah Irrfan Khan kaaso 53 ilaa 54 jir ahaa waxuuna sababsaday kansarkii uu horey kaga soo caafimaaday xanuun xalay dhanka dheefshiidka iyo mindhiciraha kagasoo booday ayaana saameeyay.
Irrfan xalay oodhan ayuu sakaraad ahaa oo mishiinka neefta sambabada siiya ayuu ka neefqaadanaayey xaalkiisana xalay ayuuba qatar ahaa ugu dambeyn saaka subaxii ayee nafta ka baxday sida dad ka akdhowaa iyo qoyskiisa ay sheegen jilaagan ayaana aduunyada magac weyn kaga tagay iyo labo wiil oo uu dhalay.
Hadaba jilayaasha Hindiya baraha bulshada uma aysan kala harin run ahaantii inta aan idiin soo gudbinay oodhan waxaa labo jibaar ka badan inta aanan magacyadooda soo gudbinin.
Dhamaan jilayaashan ayaana kawada naxeen kana tacsiyoodeen geerida Irrfan Khan lama filaayo in aaska meeydkiisa la isugu imaan doono ayadoo laga baqaayo in dadka is qaadsiiyaan caabuqa Coronavirus balse Raisuul wasaaraha India Narendra Modi oo isagana ka hadlay dhimashada irrfan waxuu sameeyn doono lama oga.
Wixii kasoo kordha tacsida Irrfan halkaa kala soco qaar kamid ah jilayaashii ka tacsiyoodeen ee aan magacyadooda sheegin hoos kaga bogo:
Raiisul Wasaaraha India Narendra Modi
Shah Rukh Khan
Aamir Khan
Anupam Kher
John Abraham
Kamal Haasan
Ram Charan
Sonam Kapoor
Riteish Deshmukh
Rakesh Roshan
Rajkumar Rao
Shahid Kapoor
Kiara Advani