Priyanka Chopra 3 sano ayee Bollywoodka ka maqneed waxaana shalay tiyaatarada loo saaray filimkeeda The Sky Is Pink oo ay la jilayeen Farhan Akhtar iyo Zaira Wasim balse mashruucan ganacsiga uu sameeyay maalintiisa kowaad waa mid aad u liito.

2.50 Crore (Trade Figure) ayuu keenay mashruucan maalintii shalay ahed waana ganaci aad u hooseyo waxaana la filaayey soo laabashada PeeCee taageerayaasheeda inee soo buux dhaafin doonaan tiyaatarada waxuuna ka ganacsi hooseya maalinta kowaad mashruucan Priyanka filimkeeda u dambeyay Jai Gangaajal (2016).

Balse Farhan Akhtar dhowaanahan filimada uu sameeyay midkii ugu roona ayuuba noqday bilaawasho ahaan mashruucan dhibka ugu weyn heestay ayaa ah in xalay sare ukac sameeynin hadii maalintii hoos uu ahaa habeenkii ama fiidkii ayaa sare ukac laga filaayey mana dhicin midaas oo dad badan umasoo daawasho tagin tiyaatarada daqliga badan laga helo.

Taas bedelkeeda waxaa ka faaideystay mashruuca Joker ee Hollywoodka ah kaado 2.25 Crore keenay shalay waxaa la filaa Priyanka filimkeeda maanta iyo beri inuu sare ukac weyn sameeyn doono.

Joker todobaadkiisa kowaad waxuu keenay 37.50 Crore halka jimcihiisa labaadna uu keenay 2.25 crore wadarta guudna waxuu maraa hader 39.75 Crore (Trade Figure).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here