Sridevi waxay kamid tahay 5-atiriisho taariikh ahaan hindiya gaareyn darajada Superstar sida shabakada BOI ku dhawaaqday waliba magaca Superstar atiriishadii ugu horeysay ee loo bixiyay iyada ayee noqotay waana atiriisho maqaamkii ugu sareeyay fanka hindiya ka gaartay.

Sridevi oo hindu ahed waxa dhalatay 13-Aug 1963 halka ay geeriyootay 24-Feb 2018 iyadoo 54-jir ah 2-sank kahor ayeena geeriyootay xidigtaan sido kale waxay noqotay jilaaga labaad ee hindiya kasoo jeeda misane tacsideeda hindiya dadkii ugu badnaa isku soo baxeen.

Tiro labo jeer ayee dhacday taariikh ahaan jilaa hindi ah oo geeriyooda misane dad sidaan u badan isku soo baxaan marka kowaad waxay dhacday sanadkii 2012 waana geeridii Rajesh Khanna oo ahaa Superstar-ka kowaad Hindiya halka marka labaad ay dhacday 2018 geeridii Sridevi oo qalqi tiro badan lagu arkay.

Sridevi waxay ku geeriyootay Dubai xili habeenimo ah suuliga ayadoo kujirta ayee ku hafatay biyaha waaskada musqusha dhexdeeda yiileen ama barkada yar ee lagu qubeysto waana qaab shil ah geerideeda.

Hadaba dad badan ayaa jiraan oo aan horey u arkin meeydka Sridevi iyo dadkii kasoo qeyb galeen tacsideeda Bollywoodka badankiisa ayaana imaadeen war yaanan idinku daalinine hoos ka daawada muuqalada tacsida Sridevi oo la gubay ugu dambeyn iyo qaabkii loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here