MUMBAI (FILIMSIDE): Shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry ayaa caado u leh inay soo saarto jaceyl heerkii ugu sarreeyey ah, ha ahaato dhanka jilliinka ama si dhab ah ha u sameeyaan jillayaasheedu.

Si kastaba ha ahaatee, Bollywood wuxuu sidoo kale soo saaraa guur qarsooni ah oo dhexmara atoore iyo atariisho caan ka ah shirkaddaan. Tusaale wanaagsan waxaan maanta usoo qaadan karnaa sheekadaan aan idinla wadaageyno.

Atariishada heerka halyeeynimo ka gaartay Bollywood Rekha ayaana waxaa hore loo xaqiijiyay inay xilli si qarsooni ah u guursatay atooraha halyeeyga ah Sanjay Dutt.

Arrintaan waxaa lagu kashifay buugga uu qoray wariyaha caanka ah ee u dhashay India Yasir Osman kaasoo loogu magac daray Rekha – The Untold Story. Wuxuuna buuggaani daaha ka qaaday inay 62 sanno jirtaani xilli si qarsooni ah u guursatay 58 sanno jirkaan Dutt

Maqaalkaan lagu daabacay shabakadda Lehren Retro isla markaana laga soo xigtay buugga Rekha – The Untold Story ayaa waxaa daaha looga qaaday inuu guurkaani ahaa mid qarsooni ah oo aan cidna lala wadaagin. Rekha ayaana aqbashay inay qudbosiro ku noqoto xaaska Sanjay Dutt ka dib markii ay kala hareen Amitabh Bachchan oo xiriir jaceyl uu kala dhexeeyey.

Majaladda Lehren Retro ayaa caddeyneysa in Rekha iyo Sanjay Dutt ay iska heleen xilli ay duubayeen filim ay Rekha ku mataleyso hooyada dhashay Sanjay Dutt. Maalmahaas Rekha wuxuu xiriir jaceyl kala dhexeeyey Amitabh Bachchan, warbaahinta India ayaana si weyn uga hadleysay.

Balse Amitabh Bachchan ayaa go’aansaday inuu ka haro Rekha ka dib markii ay jaceylkaan ku fahantay xaaskiisa Jaya Bachchan.

Ka dib markii la duubay filimkaan, Rekha waxay si aad ah ugu dhowaatay Sanjay Dutt. Waxayna isku guursadeen qaab qarsooni ah ka dib markii uu soo baxay filimkaan, kuna darso inay dhowr Isbuuc iskula qarash gareeyeen guri ku yaalla magaalada Bombay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here