Hritik Roshan qaab jiliinka wuxuu soo bilaaway asigoo yar ee ma ahan inuu ka bilaaway oo kaliya Kaho Naa Pyaar Hai……

Filimkii ugu horeyay ee uu Hritik Roshan kasoo muuqday wuxuu ahaa ‘Aap Ke Deewane’ (1980) balse filimkaan muuqaal yar ayuu kulahaa xidigaan.

Laakiin sanadkii 1986 ayuu door dhamestiran ku lahaaday filimka  ‘Bhagwaan Dada’ waxaana filimkaan Director ka ahaa Hritik awoowgiisa J Om prakash halka uu maalgaliye ka ahaa Hritik aabihiisa Rakesh Roshan.

Waxaana filimkaan wada hogaamiyeen Rakesh Roshan, Sridevi iyo Rajnikanth wuxuuna HR filimkaan kumatala wiil uu Rajnikanth soo korsonaayo doorkiisa filimkaan amaan lixaad leh ayuu kuhelay xidigaan.

mar uu Hritik kashekeenayay filimkaan wuxuu yiri,” waxaan ahaa wiil yar qayaas ahaana jiray xiligaas 10-11 sano waxaana director ka ahaa filimkaan awoowgey sidaa wada ognahay.”

“Hadaba doorkeyga filimkaan aan kulaha waxaa marki hore sameyn lahaa wiil kale balse wiilkii ayaa xanuunsaday xiligii qeybtiisa la duubi lahaa markii la gaaray sidaa awged aabahey wu maqnaa awoowgey iyo dadkii ka howl waday filimkaan waxay is weydinayen qofka bedeli  karo booska wiilkaas anigana xiligaas waxaan fadhiyay howlka howsha ka socotay.”

“Ugu dambeyn awoowgey ayaa dhinaceyga soo fiiriyay isla markiina wuxuu kudhawaaqay waan helanay wiilka waana wilka awoowga u ahay waxaa markiiba yimid aabahey oona arinkii looshegay isaga ayaana duubey qeybtii aan kulaha filimkaas waxaaa xusid mudan inaan aniga laba soconin inaan filim duubayo waxay ila aheed inaan iska ciyaarayo oo waan isaga baashaalayey inkastoo doorka sidii larabay aan oga soo baxay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here