Saxaafada qaarkood indho adeeg ayee lasoo shaqo tagaan waxay ka xanaajiyeen Boqorada Bollywoodka waqtigaan Deepika Padukone oo aad u dhibsatau suaalo qalafsan anshax xuma ahna weydiyeen xidigtaan xili ay fursad u siisay ay ku wareeystaan.

Mid kamid ah Raggi wareysanayeen ayaa Deepika weydiiyay mowduuca Me Too Movement oo ah barnaamij 2018 loogu ololeynaayey atiriishooyinka Bollywoodka lagu xad gudbay intee shaqada kujireen waxuu yiri isagoo Deepuu weydiinaayo.

“Maxaad ka leedahay barnaamijka ugu hadal heynta badan waqtigaan Bollywoodka ee Me Too sido kale adiga wali makal kulantay shirkadaan wax farw xumeyn ah ama Ragg jirkaada ku xad gudbeen” waxay tiri Deepika oo ka carootay suaashaas.

“Waxaan la yaabay saxaafadiina mowduucan maxaa jilayaasha oo kaliya u weydiisaan maxaa loo waayey idinko wax ka weydiinaayo ciyaartoyda Cricket-ka ciyaarta ama dumarka Fashion-ka sameyaan.”

“Dumarka adduunka lagu xadgubdo ma Bollywoodka bas ayee katirsan yihiin wey badan yihiin dumarka lagu xad gudbo goobo kala gadisan ayeena ka shaqeyaan balse idi ka jilayaasha oo kaliya ayaad suaalaha ku wareyriseen soo wax laga xishoodo ma ahan.”

Deepika waxaa lagu heestaya ama taageerayaasheeda kaga xanaaqsanaayen inee filim u sameyneyso Director Luv Ranjan oo ah Filimsameye dumar kala duwan xad gududb ku eedeyeen balse Deepuu arinkaas kama aysan hadlin hadii filimkaas ay sameeyn doonto iyo hadii kaleba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here