Oday Krishna Kumar Singh waa aabaha dhalay jilaaga geeriyooday ee Sushant Singh Rajput naxdin weyn ayuuna ka qaaday marka uu maqlay dhimashada wiilkiisa iyo arin lama filaan ah inkastoo labo magaalo kala joogeyn hadana oday Singh xaalka wiilkiisa wuu ogaan jiray.

Sushant waxuu degenaa Bandra oo Mumbai ku taalo waana goobta shaqadiisa halka qoyskiisa Patna magaalo la dhaho oo Delhi dhankeeda ah ku noolaayeen kulankooda ma badneen isaga iyo qoyska balse Mobile-ka ayee badana ka xiriir jireen hadaba Oday Kumar ayaa Police-ka uwaramay waxuu wiilkiisa ka ogaana sheegay.

Waxuu yiri,”waligey ma maqlin Sushant ayaa Depression hayo iyo wax lamid ah intaan aniga ogaa nabadiisa ayuu qabay balse tiro seddex jeer oo kala duwan bilihii lasoo dhaafay arin ayuu iisheegay kaaso dhanka Bollywoodka kusaabsan.”

“Waxuu iisheegay inuu daciifnimo dareymaayo isaga nafsad ahaantiisa sabab la xiriirta culeys Bollywoodka kaga imaaday waxuu idhahay aabo waan fiicanahay shaqadeydana waa dhag-dhag balse xoogaaa culeyso ayaa iska jiraan shirkadaan buuq badan ayee leedahay oo qofka daciif ka dhigayaan hab dhaqankooda kama helin iyo sidee dadka ula dhaqmaan.”

Sushant dhaqaalo xumo maheynin sida la sheegay halkii filim 8 Crore lacago ah ayuu ku qaadan jiray sido kale filimo ayuu ka howl gali rabay marka uu bandowga dhamaado ama bishaan June ayuuba qorshaha ahaa filimadiisa inuu duubis ku bilaawo Police-ka ayaana wali kiiskan kujiraan ilaa ay ka salgaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here