Shalay hay,ada, BMC waxay xirtay dhismaha xafiiska atariishada Kangana Ranaut ee magaalada Mumbai. Saraakiisha ayaa warqad ogeysiis ah ugu dhajiyeen albaabka dhismaha si loo joojiyo shaqada dhismooyinka sharci darrada ah ee ka socda gudaha guriga xafiiska u ah kangana.

Sida la sheegay, Aktarada waxaa la siiyay 24 saac inay kaga soo jawaabto ogeysiiska. BMC waxay fayl garaysay digniin ka dhan ah Kangana Ranaut; Aktarada ayaa codsatay ugu badnaan 7 maalmood inay kaga soo jawaabto ogeysiiska Saacado ka dib markii ogeysiiska la soo saaray, Kangana ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay si ay ula wadaagto jawaabta ay qareenkeeda siisay saraakiisha.

Qareenka Ranaut wuxuu ku andacooday in aysan jirin wax shaqo ah oo Kangana ay ka wado gudaha dhismaha. Garyaqaanka ayaa sidoo kale sheegay inay si sharci ah ula tacaali doonaan dhamaan eedaha loo soo jeediyay. Kangana sidoo kale waxay codsatay ugu badnaan 7 maalmood si ay uga jawaabto oo ay si sax ah wax uga qabato eedeemaha ku xusan ogeysiiska., ” Kangana ayaa shaaca ka qaaday in BMC ay soo gudbisay digniin iyada ka dhan ah.

Iyadoo la wadaageysa sawirada dukumiintiyada, Aktarada ayaa soo qortay, “Hada bmc waxay ii soo gudbisay digniin, runti waxaan horay quus ka joogay inaan gurigeyga jebiyo, aad baan u jeclahay qaabkaa udhisay ayaan ogahay laakiin ogow xitaa hadii lajibiyo ama burburiyaan dowlada dhexe waxaan ahaan doonaa tii xooga badneyd .. ‘ Dhanka kale, Kangana Ranaut ayaa maanta dib ugusoo laabaneysa magaalada Mumbai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here