aktarka walba ama shaqsi walba kaaso ka shaqayta shirkada Bollywoodka waxa uu hamigiisu yahay sidii uu ku tacbi lahaay hanti fara badan

waana arrin hadda ka hor ku shaaciyay aktarka Akshay Kumar isagoo sheegay inuu hadafka Bollywood-Ka usoo galay inaysan ahayn inuu magac tabco ee waxa uu sheegay inuu aktar u noqday inuu lacag bollywood ka tabco

laakiin midaas waxaa aktarkan ku qilaafsan 5 aktar kuwaaso lacag la’aan filimo ku sameeyeen iyagoo waqtigooda u lumiyeen shaqsiyaad kale weliba iyagoo fiirinaya saxiibtimada

 Katrina Kaif

atariishadan caanka ah ayaa sanadkii 2012 waxa ay kasoo muuqatay filimka uu iska lahaa Karan Johar ee Agneepath kaaso uu hogaamiye ka ahaa aktar Hrithik Roshan

Iyadoo atariishadan filimkan kasoo muuqatay heeskii caanka ahaa ee Chikni Chameli waxaana arrintan shaaciyay Karan Johar oo filimkaas soo saare ka ahaa

Rani Mukerji

Rani Mukerji Oo saaxiib dhow la ahayd Karan Johar ayaa waxa ay isaga  ka ogalaatay inay kasoo muuqato filimkiisa Kabhi khushi kabhi gham weliba Rani Mukerji wax lacag ah kama aysan qaadanin Karan Johar

Amithab Bachchan

iyadoo Amithab Bachchan uu ka mid yahay aktarada ugu mashquulka badan bollywoodka ayaa waxa uu so free ah kaga muuqatay aflaamo badan sida Ganga , Gangotri iyo Ganga Devi

intaas waxaa aktarkan usii dheer inuusan wax lacag ah ku qaadanin Sanjay Leela Bhansali Filimkiisa  Black

Shah Rukh Khan

sida aan wada ognahay second walba oo ka mid ah waqtiga Shah Rukh Khan inuu yahay mid qaali haddana aktarkan mararka qaar waxa uu si weyn u tax-geliyaa Asxaabta uu ku leeyahay Bollywood-Ka

iyadoo aktarkan muuqaalo marti ah loo fadiyay waxa uu kaga soo muuqday aflaamta kala ah Bhootnath Returns iyo Dulha Mil Gaya

Deepika Padukone

Atariishadan waa mid ka duwan aktarada kale maadaama aysan wax lacag ku qaadanin filimkeeda ugu horeeyay ee Om Shanti Om kaaso uu la waday aktarka Shah Rukh Khan

waana sababta atariishadan markii hore ay ku heshay saxiixa filimkan iyadoo kaliya doonaysay inay filimkeeda ugu horeeya ay la keento Shah Rukh Khan si mustaqbalkeeda fanka bollywoodka guul ugu bilowdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here