Weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez xili cayaareed qurux badan ayuu ku jiray ka hor inta aan Italian Serie A-da la joojijin balse ciwaano noloshiisa gaarka ah taabanayo ayuu sameenayaa xidigan Argentina u dhashay waxaana si gaar ah loo hadal hayaa gabadha lamaantiisa ah ee lagu magacaabo Agustina Gandolfo.

Agustina Gandolfo waxay dhalatay sanadii 1996 waa gabbar dhanka Model-ka xirfadeeda tahay sidoo kalena si joogto ahna baraha bulshada saameyn ugu leh waxayna dhawaanahan soo dhigtaa baraha bulshada sawiro iyada iyo jaceylkeeda Martinez oo waqti isla qaadanayaan.

Haddaba shabakada caanka ah The Sun waxay qortay in Agustina Gandolfo abaal weyn u heyso Wanda Nara oo u dhaxdo weeraryahanka kooxda PSG Mauro Icardi madaama ay sabab u ahayd in Agustina Gandolfo iyo Lautaro Martinez is fahmaan jaceylna dhex maro kadib markii ay is bartay.

Martinez waa 22-jir xili cayaareedkan Inter Milan u cayaaray 31-kulan wuxuuna u dhaliyay 16-gool dhamaan tartamada kala duwan asigoo sanadii 2018 kooxda Racing Club kaga soo biiray wuxuuna ilaa iminka xulka Argentina u cayaaray 17-kulan asigoo u dhaliyay 9-gool.

Martinez wuxuu haatan waqti wacan la qaataa jaceylkiisa Agustina Gandolfo oo baraha bulshada saameyn badan ku leh madaama 605k oo qofood ku xiran yihiin gabadhan barteeda Instagram-ka ah waxayna lamaanahan ku nool yihiin magaalada Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here