Waqtiga Orod Badana: Tani Waa Atirishadii Filmka Hogi Pyaar Ki Jeet Mayoori Kango Iyo Sida Ay Isku Bedeshay Maanta!!

Mayoori Kango waxay kamid ahed atirishooyinkii aflaamta kasoo muuqan jireen 90kii sido kalena gabadhaan waxay jishay aflaam dhowr qaarkoodna caan ah.

Mayoori Kango filmada ay jishay waxaa kamid ah Papa Kehte Hai oo ay sanadkii 1996 kusoo caan baxday, Betaabi, Hogi Pyaar Ki Jeet iyo filmo kale waxayna ahed atirisho soo jiidasho leh balse maanta muuqaal ahaan waa mid is bedeshay sido kalena miisaan weyn koray sida labada sawir farqi ahaan aad ka arki karto.

Mayoori ayaa dhowaan wareysi bixisay ayadoo ka hadashay nolosheda hader iyo waayaheda fanka waxay tirim” waxaan sameyay 16 film kala barna wali lama daawan halka kuwa kalena la daawaaday xaqiiq ahaan 90kii atirishooyinka waqti wacan uma aheyn kaliya atoorayasha ayaa goobta iska lahaa atirishooyinkana filmka inee ka cayaaran unbee ugu jireen.”

“Aniga markaan arkay in aanan waxba meesha kusoo kordhineynin ayaan shaqada bedeshtay waxaan bilaaway inaan noqdo qoraaga sheekooyinka aflaamta iyo waxyaabo kale sanadkii 2000 waxaan bilaaway inaan Tv-yada ka shaqeyo mudo kadibna waan iska daayey oo waan guursaday sido kalena marekanka ayaan degey.”

Xidigtaan waxay dhamesay jaamacad ayadoo ka qaadatay shahaadaa MBA sido kalena marekanka inee isaga shaqeysato ayee bilawday kahor inta aysan India kuso laaban waxay tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata,”Waxaan usoo wareegay India qaasatan¬†Gurgaon maadama Seygeyga dadkiisa halkaas degen yihiin wiilkeygana iyaga la joogay waxaan ka shaqo bilaaway India anigoo Company ushaqeyo sido kalen dhowr xafiis ayaa la iikala bedelay kadib markii ay shaqadeyda ka heleen xafiisyo gobolada ku yaalan sida¬†Mumbai, Bangalore and Gurgaon haderna waan iska shaqeystaa oo nolosheyda gaarka ah ayaan ku mashquulsanahay.”

Xidigtaan waxaa la weydiyay hadii ay kusoo laaban doonto film jilista iyo hadii kale waxay tiri,” aniga hader ma dhahaayo waan kuso laabana balse hadii la iiso bandhigo waan aqbala laakin hal shuruud taaso ah inaan filmada ka shaqeyn doono todobaadkii xiliga nasashada oo shaqooyinka laga nasto (Weekend) sababto ah xili kale fursad uma haayo.”