Sooraj Pancholi sanadii 2015 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray wuxuuna kusoo caan baxay filimkii Hero ee Athiya Shetty la sameesay inkastoo bandhigiisa la amaanay balse wiilkan si dhaqsi ah Bollywoood-ka kuma saldhiganin waxaana u xigay filimkii Satellite Shankar ee sanadkii hore soo baxay isagana daadka ayaa qaaday.

Sooraj Pancholi haatan wuu soo laba kacleeyay maantana isagana ayaa heesto ciwaanada Bollywood-ka madaama aragti kowaad oo saameyn xoog leh abuurtay laga soo bandhigay filimkiisa cusub ee lagu magacaabo Hawa Singh waxaana looga hadlaa nolosha feeryahankii Hindiya guulaha waa weyn gaarsiiyay Hawa Singh.

Filimka Hawa Singh waxaa Director ka ah Prakash Nambiar halka Kamlesh Singh Kushwaha iyo Sam S Fernandes isla maal galinayaan dhawaana waxaa bilaaban doonto duubista mashruucan xiisaha badan ee Sooraj Pancholi nooga yaabsan doono.

Waxaa lala cajabay sida u Sooraj Pancholi isku diyaariyay madaama laga rabo shaashada si dhab ah inuu ugu matalo noloshii feeryahankii awooda badnaa Hawa Singh wiilkaana maanta amaan balaaran ayuu helayaa madaama aragtida kowaad filimkiisa si heer sare ah loo soo agaasimay.

Sidoo kale jilaayaasha kale doorar muhiim ah ku yeelan doonaan filimka Hawa Singh dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa waxaana lagu kalsoon yahay Sooraj Pancholi in filimkan magac iyo maqaam ku yeelan doono madaama uu juhdi badan galiyay doorkiisa feeryahanka dhibka badan si uu nolosha Hawa Singh kaga run sheego oo ah shaqsi Hindiya ku weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here